Raphaël Varane Oo Fure U Ah Saxiixa Mbappe Ee Real Madrid, Qaab Noocee Ah?

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu xiddiga daafaca uga ciyaara Real Madrid ee Raphaël Varane fure u yahay helitaanka Real Madrid ee saxiixa xiddiga Kooxda PSG ee Kylian Mbappe.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga reer France ee Mbappe marka la gaadho suqua xagaaga iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa ka mid ah kooxaha doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Real Madrid ee Raphaël Varane kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono xagaga dambe.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Raphaël Varane diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda waxana ay Los Blancos doonaysaa in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 80 milyan oo euro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid doonayso in ay lacagta ay ka hesho Raphaël Varane u adeegsato saxiixa Mbappe ama ay heshiis isku badalasho ah la samayso kooxda PSG si ay isku dhaafsadaan labada xiddig.

Sii Akhriso: Noocyada Jacaylka Ee Jira, 1 & 6-aad Ayaa Ugu Muhiimsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*