Raphael Varane Oo Doortay Halka Uu Doonayo In Uu Ka Ciyaaro Xilli Ciyaareedka Dambe.

Daafaca Real Madrid Raphael Varane ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Premier League suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga oo galaya sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Real Madrid ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid.

Los Blancos ayaa sidaas darteed go’aansatay in ay iska iibiso xiddiga reer France halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xiddiga xagaaga dambe.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda PSG ku biirtay tartanka saxiixa xiddiga reer France laakiin xiddiga ayaa u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro horyaalka Premier League.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Varane aad u doonayo in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Old Trafford ee Man United xilli ay Real Madrid dalban doonto lacag dhan 100 milyan oo euro.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*