Ramos Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Kadib Ku Guulaysigii Horyaalka La Liga.

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ku celiyay sida uu u jecel yahay inuu sii joogo Real Madrid wixii ka dambeeya dhamaadka qandaraaskiisa haatan.

Qandaraaska daafaca ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, laakiin waxa ay u muuqataa in in rabitaankiisu yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Los Blancos.

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu Ramos ku sii hayo kooxda inta ka dhiman xirfadiisa ciyaareed daafaca ayaana taageeray hadalkaas.

“Waxa aan jecelahay in aan halkan ku dhamaysto xirfadayda ciyaareed”ayuu Ramos Yidhi kadib guushii Villarreal.

“Uma malaynayo in ay wax dhibaato ah ka jirto heshiis kordhinta”.

“Waxa aan halkan joogi doonaa Muddo dheer hadii uu madaxweynuhu doonayo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*