Ramos & Marcelo Oo Isha Ku Haya Rikoodh Taariikhi Ah Oo Ay U Dhigayaan Real Madrid Kulanka Caawa

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos iyo Marcelo ayaa isha ku haya rikoodh taariikhi ah oo ay u dhigi doonaan kooxda Real Madrid tartanka Spanish Super Cup.

Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan Semi-final-ka tartanka Spanish Super Cup-ka kaas oo dhici doona 11 habeeninmo ee caawa.

Xiddigaha Sergio Ramos iyo Marcelo ayaa isha ku haya in ay bar-bareeyaan xiddiga Francisco Gento oo ah xiddiga ugu koobabka badan Taariikhda kooxda Real Madrid isaga oo ku guulaystay 23 koob hadii ay Real Madrid ku guulaystaan koobka sanadkan.

Xiddigaha Ramos iyo Marcelo ayaa haatan ku jira kaalinta 2-aad ee xiddigaha ugu koobabka badan taariikhda Real Madrid iyaga oo ku guulaystay 22 koob hal koob-na u jira in ay noqdaan xiddigaha ugu koobabka badan taariikhda Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*