Ralf Rangnick Oo Kashifay Wixii Cristiano Ronaldo Uu Ku Yiri Kadib Markii Uu Xiddigu Ka Xanaaqay Badalkii Lagu Sameeyay Kulankii Brentford.

Ralf Rangnick ayaa u sheegay Cristiano Ronaldo in loo badalay danta kooxda intii lagu jiray kulankii Man United 3/1 uga badisay Brentford horyaalka premier League.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa baxay isaga oo xanaaqsan waxana lagu badalay Harry Maguire daqiiqadii 71-aad xilli ay Man United 2/0 ku hogaaminayso ciyaarta.

Markii uu ka soo baxay ciyaarta Ronaldo ayaa la arkay isaga oo dhulka ku tuuraya koodhkii loo dhiibay isaga oo shaqaalaha tababarka waydiinaya waayo aniga?.

Laakiin Ragnick ayaa difaacay go’aanka uu ku badalay xiddiga isaga oo sheegay in ayna wax dhibaato ah kala dhexayn Ronaldo.

“Fal celiska kaliya ee aan isaga ka helay waxa u ahaa in uu i waydiiyay sababta aan u badalay, waxa aan u sheegay isaga, waxa aan kuu badalay danta kooxda”ayuu Ragnick yidhi.

“Waxa ay xaaladan oo kale nagu dhacday 5 maalin ka hor waxana aan 2/0 lahayn 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay sidaas darteed maanu doonayn in aan samayno isla khaladkii hore oo kale”ayuu sii raaciyay.