Ralf Rangnick Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mason Greenwood

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa lagu soo waramayaa inuu aaminsan yahay in Mason Greenwood uu yahay xiddig ay kooxdu ka maarmi karto.

20 jirkan ayaa ciyaaray 13-kii kulan ee ugu horeeyay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan laakiin haatan ku dhibaatoonaya in uu boos ka helo kooxda tababare Ragnick.

Greenwood ayaa kaliya ciyaaray 6 daqiiqo kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay Wolves premier League iyada oo uu tababaruhu sheegay in uuna xiddiga reer England soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Sida laga soo xigtay The Guardian, Greenwood oo aan wax gool ah dhalin tan ilaa bishii October uu haatan yahay xiddig uuna tababare Ragnick doonayn in uu ku sii haysto kooxdiisa.

Weeraryahanka ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo ilaa xagaaga 2025 ah hadana waxa uu doonayaa in uu iska diro marka uu furmo suuqa Kala iibsiga xagaaga.