Rajadii Liverpool Ee Saxiixiisa Marc Guehi Suuqa Jamuary Oo Dhirbaaxo La Kulantay

Rajadii Liverpool ee ku aaddanaa saxiixa kabtanka Crystal Palace, Marc Guehi, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha January ayaa waji-gabax la kulantay.

Reds-ku waxay isku dayeen inay Guehi la saxiixdaan xilligii xagaaga, balse heshiiskaasi wuu burburay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Heshiis qiimihiisu yahay £35 milyan ayaa la gaaray maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga, kaas oo u dhexeeyay Liverpool iyo Crystal Palace si loo helo adeegga Guehi, balse waxaa dhacay isbeddel degdeg ah saacaddii ugu dambeysay.

Natiijadii, Guehi wuxuu sii joogay Crystal Palace ugu yaraan nuska hore ee xilli ciyaareedka.

Heshiiska Guehi ee Crystal Palace wuxuu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka – taasoo u oggolaanaysa xiddiga caalamiga ah ee England inuu ka wada xaajoodo heshiis horudhac ah kooxaha ka baxsan England laga bilaabo January hadii uu doono.

Liverpool weli si xooggan ayaa loola xiriirinayaa inay u dhaqaaqaan saxiixa Guehi bisha January, iyadoo ay sidoo kale xiiseynayaan dhowr koox oo kale oo ka tirsan Premier League iyo kooxo caalami ah. Tani waxaa lagu sheegay warbixin ka soo baxday Liverpool ECHO.

Si kastaba ha ahaatee, BBC Sport ayaa hadda sidoo kale sheegtay in la filayo in Guehi uu sii joogo Crystal Palace inta ka dhiman xilli ciyaareedka, islamarkaana uu dhameystiro lixda bilood ee ugu dambeysa ee heshiiskiisa. Sidaas darteed, waxaa la soo jeediyay in Guehi uu u badan yahay inuu ku biiro koox cusub isagoo ciyaaryahan xor ah inta lagu jiro Suuqa xagaaga.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga