Rajada Chelsea Ee Saxiixa Eden Hazard Oo La Ogaaday.

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa lagu soo waramayaa inuu ku rajo weyn yahay inuu dib ula soo saxiixdo garabka Real Madrid Eden Hazard.

Xiddiga reer Belguim ayaa wakhti fiican ku qaatay Stamford Bridge 7-dii sano ee uu joogay laakiin xiddiga 30 jirka ah ayaa ku dhibaatooday Real Madrid tan ilaa markii uu ku biiray kooxda xagaagii 2019.

Sida laga soo xigtay El Nacional, wadahadalo aan rasmi ahayn ayaa dhex maray Abramovich iyo dhiggiisa Real Florentino Perez Kuwaas oo ku aadan Xiddiga Eden Hazard.

Abramovich ayaa la sheegay inuu dareensan yahay inuu awoodi doono inuu Real Madrid ku qanciyo in ay ka iibiyaan kubad sameeyaha marka uu furmo suuqa xagaagu.

Wararka ayaa dhanka kale sheegaya in uu Hazard u furanyahay in uu ku soo laabto kooxda woqooyinga London halkaas oo uu ku qaatay wakhtigii ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*