Raheem Sterling Oo Heegan Galiyay Liverpool, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa heegan buuxa galiyay kooxda Liverpool kadib markii uu qirtay in uu Reds u qabo jacayl aan dhimanayn waliba diiday in uu Albaabka ka xidha ku laabashadiisa Anfield.

Xiddiga reer England ayaa bogiisa Instagram ku qaatay Su’aalo iyo jawaabo xilli uu ku jira Karantiis si la mid ah dhamaan xiddigaha premier League sabab la xidhiidha xanuunka Coronavirus ee ku faafay England.

Xiddiga ayaa la waydiiyay in uu maalin ku laaban doono Liverpool waxana uu ku jawaabay” Haa, Hadii aan runta ka hadalo waan jecelahay Liverpool”.

“Mar walba waxa ay ku jirin doonaan Qalbigayga, sababta oo ah waa kooxdii fursada isiisay markii aan soo korayay”.

Raheem Sterling ayaa ka tagay kooxda Man City xagaagii 2015 isaga oo Man City ugu biiray lacag dhan 49 milyan oo euro.

Advertisements

Sterling ayaa sanadihii la soo dhaafay dhawr jeer ka hadlay sida uu uga shalaynayo qaabkii uu uga tagay kooxda Liverpool

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanah: Samaynta Caafimaad Ee Uu Kulanka Sariirta Joogtada Ah Ku Yeesho Jidhka, Akhriso Xogan Muhiimka Ah.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*