Raheem Sterling Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Arsenal & Barcelona.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa ka jawaabay wararka la xidhiidhinaya ka tagista kooxda Man City iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Barcelona iyo Man City.

Todobaadkii ugu dambeeyay xilli ciyaareedka ayay soo bexeen warar seegaya in ay Man City diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Raheem Sterling kadib markii uu ka baxay qorshaha Tababare Pep Guardiola.

Arintaas ayaa keentay in lala xidhiidhiyo kooxda Arsenal iyada oo uu dalbaday tababare Mikel Arteta kaas oo xiddiga la soo shaqeeyay markii uu caawiyaha ka ahaa kooxda Man City.

Laakiin wararkaas ayaan halkaas ku joogsan waxana soo baxay warar sheegaya in ay Barcelona doonayso saxiixa xiddiga reer England saacadihii ugu dambeeyay iyada oo Barcelona doonayso in ay ku xoojiso xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Football Insider ayaa sheegaya in uuna Sterling wax xiiso ah u hayn in uu ka tago kooxda Man City waliba diyaar u yahay in uu u dagaalamo booskiisa kooxda Pep Guardiola.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*