Raheem Sterling ayaa doonaya in la caddeeyo booskiisa Chelsea ka dib markii laga saaray kooxdii ugu horeysay ee Enzo Maresca ee tababaraha Stamford Bridge.
Kadib markii wax laga waydiiyay wakiilada xiddiga, Waxa ay sheegeen in ay lama filaan tahay in xiddiga laga saara kooxda wajahaysa Man City kulanka premier League.
Xiddiga ayaa ka qayb ahaa dhamaan kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kooxda.
Laakiin ka saaristii kooxda chelsea ee kulanka Man City ayaa shaki ku tuuraysa mustaqbalka xiddiga.
War qoraal ah oo uu soo saaray wakiilada xiddiga ayaa yidhi”Raheem Sterling waxa uu qandaraas kula jiraa kooxda kubadda cagta Chelsea saddexda sano ee soo socota”.
“Waxa uu ku soo laabtay England laba todobaad ka hor si uu u sameeyo tababar shaqsi ah waxana uu kooxda la qaatay isku diyaarin fiican ka hor xilli ciyaareedka waxana uu doonayaa in uu la shaqeeyo tababaraha cusub”.
“Maadama aan nahay wakiilada xiddiga waxa aan doonaynaa in ay kooxdu noo kala cadayso mustaqbalka xiddiga”ayuu sii raaciyeen.
Be the first to comment