Quique Setien Oo Shaki Weyn Ku Sii Tuuray Mustaqbalka Lionel Messi Ee Barcelona.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa ka jawaabay warar Lionel Messi la xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda Barcelona dhamaadka heshiiskiisa kooxda Barcelona.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxay warar sheegaya in uu Lionel Messi joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ee uu kula jiray kooxda Barcelona sabab la xidhiidha in uuna raali ka ahyn xaalada kooxda.

Quique Setien ayaa wax laga waydiiyay wararka bixitaanka Lionel Messi waxana uu Yidhi”ma doonayo in aan shaki badan sii abuuro laakiin ma maqlin isaga oo arintaas ka hadlaya”.

“Ma jirto wax aan ka sheegi karo arintaas mana ahan shaqadayda”.

Hadalka tababare Quique Setien ayaa mugdi badan sii abuurtay kaas oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga gaar ahaan in uuna tababaruhu beenin arintaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*