Quique Setién Oo Daboolka Ka Qaaday Sababatii Dembele Uga Saaray Liiska Kulanka Champion-ka Ee Napoli

Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setién ayaa daboolka ka qaaday sababta ka dambeysa in Dembele uu ka fogeeyo kulanka Champion-ka ee ay la ciyaarayaan Napoli

Barcelona ayaa habeen dambe la ciyaareysa Napoli oo ay wada leeyihiin lugta labaad ee wareegga 16-ka Champion-ka

Dembele ayaa maalmo ka hor ku soo laabtay tababarka kooxda ka dib markii uu ka soo kabdsaday dhaawac hayay waxaana jirtay rajo ah in u safan karo kulankaan balse liiska waa laga waayay

Quique Setién ayaa yiri ” waxaan ku fikirayay in Dembele ku soo daro liiska kulankaas waliba uu daqiiqado ciyaaro balse tababaraka kuma soo bandhigin wax ku filan in looga yeero kulankaas”.,

” %100 diyaar ma aha mana doonayo in an halis giliyo , balse haddii aan wareegga xiga u soo baxno wuu ciyaarayaa” ayuu sii raaciyay Quique Setién

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*