Qorshaha Uu Paul Pogba Ugaga Tagayo Man United Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu dhamaystirto heshiiska uu kula jiro kooxda Man United si uu qaab xor ah uga tago kooxda xagaaga 2022.

Mustaqbalka Pogba ee Man United ayuu shaki weyn ku jiraa isaga oo xiiddiga koobka adduunka ku guulaystay qirtay in uuna ku faraxsanayn xalaadiisa Man United.

Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay xiiso u qabaan xiddiga 27 jirka ah xilli la sheegayo in ayna United diyaar u ahayn in ay lacag jaban ku iibiso xiddiga.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Pogba ka fikirayo in uu dhamaysto heshiiska uu kula jiro kooxda Man United kaas oo dhici doona xagaaga 2022 kadib si xor ah uga tago kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in uu Pogba aaminsanyahay in ay kooxo waaweyn doonin doonaan saxiixiisa hadii uu xor noqdo waliba ku biiri karo kooxda uu isagu doonayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*