Qorshaha Graham Potter Ee Romelu Lukaku Oo La Ogaaday.

Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea Graham Potter ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu Romelu Lukaku kala hadlo mustaqbalkiisa kooxda chelsea.

Xiddiga reer Belgium ayaa ku biiray kooxda Chelsea bishii August ee sanadkii 2021 isaga oo Blues kaga soo biiray Inter Milan.

Inkasta oo uu dhaliyay 15 gool 44 kulan oo uu u ciyaaray Blues xilli ciyaareedkii hore hadana Lukaku ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado qaab ciyaareedka Thomas Tuchel.

Lukaku ayaa xagaagii amaah ugu laabtay kooxda Inter Milan laakiin Tuchel ayaa laga caydhiyay shaqada chelsea iyada oo lagu badalay Graham Potter.

Sida laga soo xigtay ESPN, Potter ayaa diyaar u ah inuu wadahadalo la yeesho Lukaku dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu ugala hadlo mustaqbalka ciyaaryahanka ee Blues.

Inkasta oo xiddiga 29 jirka ah doonayo in uu sii joogo Inter hadana ma jiro shardi Inter ku qasbaya in ay qaab toos ah ula wareegto taas oo keentay in uu Potter wadahadalo la yeesho xiddiga.