Qorshaha Barcelona Ee Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay suuqa galiso lacag dhan £172 milyan oo euro iyada oo kula soo saxiixanaysa 4 xiddig suuqa xagaaga.

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee suuqa xagaaga laakiin sidoo kale Xavi ayaa doonaya xiddiga Man City ee Bernardo Silva, Xiddiga Leeds ee Raphinha iyo Daafaca Sevilla ee Jules Kounde.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxdu soo xeraysay lacag ku dhaw 344 milyan oo euro kadib markii ay iibisay xuquuda kooxda ee Tv-ga.

Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale iska iibinaysa xiddiga Frankie De Jong waxana ay gacanta ku dhigaysaa lacag fiican oo ay ku xoojin karto suuqa xagaaga.

Xavi ayaa doonaya in uu dhiso koox ku tartami karta koobab xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay si fiican ku dhamaystay kooxdu xilli ciyaareedkii hore.