Qorshaha Barcelona Ee Saxiixa Raheem Sterling Oo La Ogaaday.

Barcelona ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling marka la gaadho suuqa January waxana ay heli doontaa lacag ay kula soo wareegto marka uu furmo suuqu sida ay sheegayaan wararka imanaya Spain.

26 jirkaan ayaa ku soo bilowday kaliya labo ka mid ah todobada kulan ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhameystay kaliya 90 daqiiqo horyaalka hal kulan.

Xiddiga reer England ayaa ka dambeeya xiddigaha Riyad Mahrez, Phil Foden iyo xiddiga cusub ee Jack Grealish waxana uu u muuqdaa mid ka baxay qorshaha Pep Guardiola.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu xiddigu bartilmaameed u yahay kooxda Barcelona iyada oo wargayska kale ee Sport sheegay in uu Sterling ogolyahay in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Waxa intaas sii dheer in uu wargayska Munod sheegayo in ay Barcelona haysato lacag ay ku dhamaystirto saxiixa xiddiga si ay qaybta dambe ee xilli ciyaareedka uga baxdo qaab ciyaareedka xun ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*