Qorshaha Ay PSG Ku Doonayso In Ay Kula Soo Saxiixato Messi Oo La Ogaaday.

Lionel Messi ayaa si weyn loo hadal hayn doonaa suuqa xagaaga iyada oo uuna xiddiga reer Argentine wali go’aamin meesha uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxaha Man City iyo PSG lala xidhiidhinayo.

Wargayska France Football ayaa maaliyada PSG ku sawiray Lionel Messi kana dhigay sawirka Boggooda hore iyaga oo kashifay sida ay kooxda PSG u qorshaynayso in ay ula soo saxiixato Lionel Messi.

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa xirfadiisa ciyaareed ku qaatay kooxda Barcelona waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda si uu ugu guulaysto champions League.

Qorshaha Kooxda PSG ee ay doonayso in ay kula soo saxiixato ayaa ah xiddiga kooxda haatan jooga ee Neymar kaas oo xidhiidh fiicna la leh lionel Messi.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhawaan xaqiijiyay rabitaankiisa ah in uu ka garab ciyaaro Neymar kooxda PSG ayaana doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Brazil kaas oo ka qayb ah qorshaha ay kooxdu kula soo saxiixanayso Xiddiga Lionel messi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*