Qorshaha Arsenal Ee William Saliba Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay xiddiga William Saliba ka qayb dhigto kooxda 1-aad xilli ciyaareedka soo socda.

Xiddiga 20 jirka ah ayaan wali wax kulan ah u safan kooxda 1-aad tan ilaa markii uu yimid sanadkii 2019 isaga oo amaaho loogu diray kooxaha Saint-Etienne, Nice Iyo Marseille.

Saliba ayaa ahaa dookha 1-aad ee daafaca kooxda Nice sidoo kale waxa uu xilli ciyaareedkan door weyn ka ciyaaray qaab ciyaareedka kooxda Marseille taas oo taageerayaasha Arsenal keentay in ay su’aal iska waydiiyaan sababta ay xiddiga u fasaxeen.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Arsenal go’aansatay in ay xiddiga Silba ku darto qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedka dambe waliba fursad laga siin doono kooxda 1-aad kadib horumarkii uu sameeyay xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*