Qiimaha Ay Man United Ku Heli Karto Saxiixa Ousmane Dembele Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay lacag dhan 44 milyan oo kaliya ku heli karto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele sida ay sheegayaan wararku.

Waxa la rumaysanyahay in wadahadaladii heshiis kordhinta ee u dhexeeyay xiddiga iyo kooxda Barcelona ayaa joogsadeen todobaadyadii ugu dambeeyay.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uuna Ousmane Dembele wali ka jawaabin dalabkii ay Barcelona miiska u saartay 2 todobaad ka hor.

Heshiiska xiddiga reer France ee kooxda Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka xili ciyaareedka dambe waxana uu markaas noqon doonaa xiddig xor ah.

Ilsa wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona iska iibin doonto xiddiga Ousmane Dembele xagaaga hadii uu heshiis cusub u saxiixi waayo kooxda.

Sidaas darteed hadii ay Barcelona go’aansato in ay iska iibiso xiddiga Ousmane Dembele kooxda Man United ayaa ku heli karta qiimo lacageed oo dhan 44 milyan oo kaliya.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*