Qiimaha Ay Man United Doonayso In Ay Ka Bixiso Jadon Sancho Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay kaliya diyaar u tahay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro sida ay sheegayaan wararka.

Sancho ayaa bartilmaameed u ah kooxda Man United bilihii ugu dambeeyay iyada oo Red Devils doonayso in ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.

Dortmund ayaa dhankeeda ka quusatay in ay sii haysato xiddiga reer England kadib markii uu iska diiday heshiiskii cusbaa ee ugu dambeeyay ee ay u soo bandhigtay.

Laakiin Borussia Dortmund ayaa dalbanaysa lacag ka badan 100 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga 20 jirka ah hadii ay doonayso in ay iibiso xiddiga garabka ka ciyaara.

Laakiin Wargayska Star Sport ayaa sheegaya in ay Man United kaliya diyaar u tahay in ay bixiso kaliya 50 milyan oo euro waana kala badh lacagta ay Borussia Dortmund doonayso.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*