Qaar Ka Mid Ah Rikoodhada Mohamed Salah Ka Dhigay Liverpool

Qaar ka mid ah rikoorada uu sameeyay garabka baxaya ee Mohamed Salah ee horyaalka Premier League ayaa la shaaciyay.

Tani waxay timid kadib markii Salah uu Talaadadii ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Liverpool FC xagaaga marka uu xilli ciyaareedku dhammaado.

Xiddiga reer Masar ayaa hal sano uga harsan qandaraaskiisa Liverpool, balse kooxda ayaa u ogolaan doonta inuu ka tago Anfield isagoo xor ah (free agent).

Sida ay sheegtay OptaJoe, Salah wuxuu leeyahay:

  • 189 gool
  • 92 caawin
  • 310 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Liverpool

Taas oo ka dhigaysa ciyaaryahanka leh isku darka ugu badan ee goolal iyo caawin uu hal ciyaaryahan u sameeyo hal koox taariikhda Premier League.

Sidoo kale, tan iyo xilli ciyaareedkii 2017-18, Salah wuxuu kaalinta 1aad kaga jiraa Premier League:

  • Goolasha (189)
  • Caawinta (92)
  • Fursadaha la abuuray ciyaar furan (534)
  • Laadadka (1,104)
  • Laadadka bartilmaameedka ku dhacday (480)
  • Taabashada kubadda ee gudaha sanduuqa goolka (2,717)

Salah wuxuu Liverpool kaga soo biiray kooxda AS Roma sanadkii 2017, wuxuuna durba noqday halyeey ka tirsan kooxda Reds.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga