Qaabkii Ay Xiddigaha Man United Uga Fal Celiyeen Bar-Barihii Ay La Galeen Liverpool Oo La Kashifay.

Kabtanka kooxda Man United ee Harry Maguire ayaa qirtay in ay xiddigaha Man United ee qolka Labisku si niyad jab leh uga fal celiyeen kulankii ay bar-baraha la galeen Liverpool ee ka dhacay Anfield.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan ah taas oo la macno ah in ay Man United wali ku sii jirtay kaalinta 1-aad ee premier League.

United ayaa kulanka gashay iyaga oo doonayay in ay 6 dhibcood ka hor maraan Liverpool kala saraynta horyaalka premier League laakiin may dhicin.

Liverpool ayaa ahayd kooxda maamulaysay ciyaarta laakiin Man United ayaa heshay fursadaha ugu fiican ciyaarta iyada oo uu Alisson sameeyay laba badbaadin oo cajiib ah.

Man United ayaa bar-baraha u aragtay fursad ay iska khasaariyeen marka loo eego in ay Liverpool ka maqnaayeen xiddigo muhiim ah oo daafaca ah.

Maguire ayaa sheegay in ay xiddigaha Man United ka niyad jabsan yihiin in ay hal dhibic kala bexeen kulanka marka loo eego xaalka ay Liverpool ku jirto.

“Cid walba way arkaysay waxa aan doonaynay in aanu badino”ayuu Magurie yidhi.

“Waxa ay cid walba aragtay u jeedkeena qaybtii dambe waxa aan doonaynay in aan helno 3-da dhibcood”.

“Waxa ay xiddigaha kooxdu niyad jab weyn ku dareensanyihiin in aanan 3-da dhibcood ka helin kulanka”ayuu sii raaciyay Maguire.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*