Qaabkii Ay Xiddigaha Arsenal Uga Fal Celiyeen Guuldaradii Man City Ka Soo Gaadhay Brentford Oo La Kashifay.

Ian Wright ayaa daaha ka qaaday sida ay xiddigaha Arsenal uga fal celiyeen guuldaradii lama filaanka ahayd ee Manchester City ka soo gaartay Brentford sabtidii garoonka Etihad Stadium.

Kooxda Pep Guardiola ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay Brentford kulan ka dhacay sabtidii iyaga oo sidaas guuldaro lo gaystay kulankii 2-aad ee premier League xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa badisay kulankeedii waxana ay 5 dhibcood ku qabatay hogaanka premier League iyada oo la aaday fasaxa koobka adduunka iyada oo si raaco leh ku hogaaminaysa premier League.

Weeraryahankii hore ee Arsenal Wright ayaa sheegay in ay xiddigaha Arsenal daawanayeen kulanka isla markaas wada fadhiyeen hal qol oo ka mid ahaa hudheelkii ay ku sugayeen kulanka Wolves.

“Marka aad aragto Man City oo guuldaro kala kulmaysa Brentford inkasta oo ayna Cidna Filayn, waxa aan maqlay in ay xiddigaha Arsenal hal meel ka wada daawanayeen ciyaarta”.

“Cid walba waxa ay guuldarada kaga fal celisay in aanay Guuldaro kala kulmin kulankii Wolves”.

“Waa arinta aan maqlay waana arin cajiib ah oo aan aad ula dhacay xiddigaha Arsenal”