Qaabkii Ay Juventus Kooxda Inter Milan Uga Caawisay Saxiixa Lautaro Martinez Oo La Kashifay.

Madaxii indh-indheeyayaasha kooxda Juventus ee Adelio Moro ayaa shaaca ka qaaday qaabkii ay Juventus kooxda Inter Milan uga caawisay saxiixa Lautaro Martinez.

Xiddiga reer Argentine ayaa kooxda Inter Milan ku soo biiray xagaagii 2018 isaga oo ugu soo biiray lacag dhan 25 milyan oo euro.

“Waxa ay ahayd January 2017 waxana bilowday tartanka South American ee xiddigaha 21 jrada”ayuu u sheegay Tuttosport.

“Waxa aan la hadlay indha-indheeyayaasha Juventus waxana aan u sheegay in ay la socdaan xiddiga Lautaro Martinez laakiin Juventus ayaa mar horeba la soo saxiixatay xiddigaha Rodrigo Bentancur & Rogerio waxana aan u baahnayn xiddig da’yar ah oo diyaar ah”.

“Waxa jiray xiddigo badan oo xiiso leh”.

“Waxa aan u sheegay in Lautaro leeyahay tayo uu horumar ku samayn karo”.

“Laakiin Maamulka Inter Milan ayaa isla markiiba u duulay South America si ay ula hadlaan xiddiga”.

“Waxana ay ugu dambayn saxiixa xiddiga ku garaaceen kooxda Juventus”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*