Qaab Ciyaareedka Pierre-Emerick Aubameyang Oo Su’aal Laga Keenay Tan ilaa Markii Uu Heshiiska Cusub U Saxiixay Kooxda.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Kevin Campbell ayaa wal-wal ka muujiyay qaab ciyaareedka Pierre-Emerick Aubameyang Tan ilaa markii uu heshiiska cusub u saxiixay kooxda.

Gunners ayaa heshiis cusub ka saxiixatay kabtankeeda laakiin xiddiga ayaan wax gool ah dhalin tan ilaa markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub.

Kevin Campbell oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Kulanka Man City waxa uu muhiim u yahay Pierre-Emerick Aubameyang dhawr sabab darteed”.

“Aubameyang Waxa uu ka fogaa qaab ciyaareedka tanilaa markii uu heshiiska cusub u saxiixay kooxda laakiin Arsenal ayaan samayn fursado fiican, waxa aan hubaa in uu Arteta heli doono wado uu fursado ugu abuuri karo xiddigiisa”.

“Ugu dambayn guusha iyo 3-da dhibcood ayaa muhiim ah, Kabtanka Aubameyang ayaana og arintaas”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*