PSG Vs Man City: Kulanka Ugu Qaalisan Taariikhda Kubada Cagta.

Kooxda PSG ayaa marti galin doonta Man City kulan ka tirsan wareega 2-aad ee tartanka champions League waxana ay labada kooxood isku qoreen taariikhda ka hor inta uuna kulanku bilaaban.

Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona koox la galiyay lacag aad u badan sanadihii hore iyaga oo ku xoojiyay kooxda waliba sameeyay saxiixyo waaweyn oo qaali ah.

Sida laga soo xigtay Transfermarkt, Kooxda Man City ayaa ku fadhida lacag dhan 1 bilyan oo euro halka ay kooxda PSG ku fadhido lacag dhan 997.25 milyan euro.

Hadii ay labada kooxood isku daraan qiimaha ay ku fadhiyaan waxa ay kor u dhaafaysaa 2 bilyan oo euro taas oo ka dhigaysa kulanka ugu qaalisan taariikhda kubada cagta adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*