PSG Oo War Fiican Ka Helay Baacsiga Ay Ugu Jirto Paul Pogba.

Paris Saint-Germain ayaa xiiseyneysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba iyadoo Xiddiga khadka dhexe ee reer France uu aad ugu furan yahay u dhaqaaqista kooxda Ligue 1 ka dhisan.

Heshiiska Pogba ee Man United ayaa dhici doona xagaaga waxana si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Man United xagaaga soo socda.

Wargayska L’Equipe Ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France diyaar u yahay in uu ku laabto dalkiisa hooyo kuna biiro kooxda PSG suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay PSG war fiican ka heshay baacsiga xiddiga kadib markii uu ku war galiyay in uu diyaar u yahay in uu ku laabto France xagaaga.

Paul pogba ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin kooxaha Real Madrid iyo Juventus kuwaas oo doonaay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*