PSG Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Lionel Messi, Maxaa Cusub?

Heshiiska Lionel Messi ee kooxda Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan kooxda PSG ayayna ka go’antahay in ay la soo saxiixato xiddiga waxana ay kooxda PSG qaaday talaabo cad oo ka caawinaysa in ay hesho saxiixa xiddiga reer Argentine taas oo ah in ay heshiis cusub oo 4 sano ah ka saxiixanayso Xiddiga Neymar.

Lionel Messi iyo Neymar ayaa leh xidhiidh xoogan garoonka dhexdiisa iyo dibadiisa waxana ay kooxdu doonaysaa in ay labada xiddig midoobeeyaan.

Kooxda PSG ayaa aaminsan in sii joogista Neymar fure u tahay la soo saxiixashada Lionel Messi marka uu dhamaado heshiiskiisa kooxda Barcelona.

Neymar ayaa laf dhabar u ah kooxda PSG tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii 2017 waxana uu la gaadhay Final-ka tartanka champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*