PSG Oo Soo Jeedisay In La Ciqaabo Real Madrid, Sabab

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris Saint-Germain Leonardo ayaa mar kale ka hadlay suuqa kala iibsiga ee ku xeeran Kylian Mbappe iyo Real Madrid, wuxuuna dareensan yahay in kooxda reer Spain ay ixtiraam darro u muujisay PSG.

Mbappe ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu ka tago PSG iyadoo Real Madrid ay isku dayayso inay lasoo saxiixato Mbappe xagaagii waxayna u soo bandhigtay PSG lacag dhan 200 milyan euro weeraryahanka da’da yar, laakiin taasi waxaa diiday kooxda Ligue 1.

“Waxan u malaynayaa in ay Real Madrid beeninayso laakiin waxa ay ka shaqaynaysay in ay la saxiixato Mbappe marka uu heshiiskiisu dhoco”ayuu Leonardo yidhi.

“Muddo 2 sano ah waxa ay si cadaan ah uga hadlayeen Mbappe, arintan waa in lagu ciqaabo”.

“Waxa aan Real Madrid ka arkaa Ixtiraam daro ay u hayaan Mbappe, ma ahan ciyaartoy caadi ah waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Adduunka”.

“Tababaraha, maamulka iyo xiddigaha Real Madrid ayaa dhamaantood ka hadlay arinta Mbappe, waxan u malaynayaa in ay ka mid tahay qorshohooda, waana Ixtiraam daro”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*