PSG Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Mohamed Salah.

Kooxda PSG ayaa ka fiirsaneysa inay dalab lama filaan ah ka gudbiso xiddiga Liverpool Mohamed Salah, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxda reer France ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay dib u soo ceshato xiisihii ay u qabtay xiddiga si ay u helaan xiddiga reer Masar si uu badal ugu noqdo Kylian Mbappe.

Heshiiska xiddiga reer Masar ayaa Liverpool kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana uu kooxdiisa haatan ka dalbanayaa lacag dhan 380 kun oo Gino todobaadkii si uu heshiis cusub ugu saxiixo.

Salah oo 29 jirka ah ayaa doonaya in uu noqdo xiddiga ugu mushaharka badan Reds si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda Liverpool.

Laakiin PSG ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa hadii uu Mbappe ka tago kooxda xagaaga sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*