
Barnaamijka Sheringeto ee caanka ka ah Spain ayaa daboolka ka qaaday in PSG ay go`aamiyeen qiimaha ay uga kaaftoomi karaan weeraryahankooda Kylian Mbappé marka suuqa xagaaga la gaaro.
Real Madrid ayaa si fog u dooneysa laacibkaas xitta ka hor inta PSG uusan u wareegin 2017-kii ayay haminayeen saxiixiisa
Hishiiska Kylian Mbappé ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka dambe , xilli uu diidan yahay in hishiis cusub uu saxiixo waxa ayna PSG ka fikireysaa in xagaaga ay ka faa`ideystaan suuqa
Wariyaha barnamaijkaas sameeya ee Eduardo Inda ayaa daboolka ka qaadayin PSG ay Real ku war giliyeen in wiilkaas reer France ay uga kaaftoomayaan aduun dhan 150 milyan oo euro waana qiimo ka hooseeya midkii sedex ka hor ay uga sioo iibsadeen Monaco kaasi oo gaarayay 180 milyan oo euro
Barnaamijkaas ayaa lagu sheegay in Real aysan awoodin bixinta qiimahaas xilligaas marka la eego dhibaatada dhaqaale ee kooxda ee ka dhashay xanuunka karoona
Haatan , Real waxaa u furan in ay iska sugaan inta laacibka hishiiska ka dhameysanayo ama in in ciyaartoooy kooxda ah iibiyaan si ay isugu maal giliyaan
Be the first to comment