PSG Oo Real Madrid U Dirtay Fariin Ku Saabsan Mustaqbalka Kylian Mbappe.

Madaxa Parc des Princes ayaa sheegay in weeraryahanku uu “xiriir qoto dheer” la leeyahay kooxda reer France isla markaana uusan bilaash ku bixi doonin xagaaga dambe

Leonardo ayaan ka walwalsanayn mustaqbalka Kylian Mbappe xilli ay jiraan warar xan ah oo la xiriirinaya Real Madrid, iyadoo agaasimaha isboortiga ee Paris Saint-Germain uu ku adkeysanayo in uuna xiddigu ka tagi doonin dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Madrid ayaa isku dayday inay Mbappe kala soo saxiixato PSG Suuqii xagaaga iyada oo 3 dalab ka gudbisay uguna dambeeyay dalab 220 milyan oo ay ka gudbisay maalintii ugu dambaysay.

Kooxda PSG Ayaa diiday daalbka Los Blancos inkasta oo uu weeraryanku galayo sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Leonardo ayaana rajaynaya in uu xiddigu sii joogi doona wixii ka dambeeya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Ma ark Mbappe oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan, ma jirto cid ka fikiraysa mustaqbalka PSG oo bilaa Kylian ah”ayuu u sheegay Canal Plus.

“Kylian waxa uu xidhiidh qoto dheer la leeyahay PSG waana sababta aanan uga fikirin wax cusub oo kale”.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*