PSG Oo Real Madrid Ku Cidhiidhinaysa Saxiixa Xiddig U Ciyaara Liverpool.

Wararka ka imanaya dalka Sapin ayaa sheegaya in ay kooxda PSG diyaarinayso dalab aad u sareeya oo ay ku doonayso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sadio Mane ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxda Real Madrid iyada oo xitaa la sheegayo in ay Real Madrid la xidhiidhay wakiilka xiddiga si ay ugu sheegto xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in ay ay PSG diyaarinayso dalab aad u sareeya oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga reer Senegal si ay u helaan saxiixa xiddiga.

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay Mane ka dhigato badalka Neymar kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in ay PSG diyaar u tahay in ay miiska saarto lacag dhan 170 milyan oo euro si ay u hesho sadio Mane xagaaga.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*