PSG Oo Qalcadda Emirates Ka Soo Bad-baadineysa Xiddig Ay Cuqdad Ay Ku Hayso

PSG ayaa si weyn uga fikireysa in ay la soo wareegto mid ka mid ah xiddigaha kooxda Aresenal inta suuqa xagaaga uu furan yahay

Sida Football London sheegeyso , PSG ayaa qorsheneysa in ay dalab rasmi ah ka geeyaan Mattéo Guendouzi

Xogo is bur birinaya ayaa hareeyay mustaqbalka laacibka ee Arsenal waxa uuna macalin Arteta ka abaal marinayaa hab dhaqankii xumaa ee laacibka ee kulankii Brighton

Mattéo Guendouzi ayaan wax kulan ah u safan Arsenal tan iyo bishi June waxa uuna waqtigaas uu ku xad gudbay xiddiga Brighton ee Neal Maupay xilligaas oo uu cunmnaha qabtay waliba uu kala tuuray .

Inkastoo ururka kubadd acagta Ingiriiska aysan wax ganaax ah ku ridin laacibkaas hadana Arteta ayaa go`aansaday in uu ciqaabo tan iyo mudadaas wax kulan ah ma safan

Football London waxa ay tilmaameysaa in PSG maamlaha soo socda ay dalab rasmi ah geeynayaan saxiixa Mattéo Guendouzi lamana helin qiimaha ay dmaacsan yihiin in ay gudbiyaan.

Kaliya PSG ma aha kooxaha doonaya Mattéo Guendouzi waxaana isha ku haya Juventus iyo Barcelona

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*