PSG Oo Qaaday Talaabo Culus Oo Ku Aadan Neymar Xilli Uu Ku Dhawyahay In Uu Isaga Tago Kooxda

Mustaqbalka Neymar aya wali Hawada ku shareeran waxana ay kooxda PSG ogtahay in uu isaga tagi doono kooxda ka hor inta uuna dhamaan suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo haatan su,aashu ka taagan tahay kooxda uu ku biiri doono Barcelona Mise Real Madrid?

Kooxda PSG ayaa go,aansatay in ay Neymar ku ciqaabto in uu kaligiis tababar qaato iyada oo ku qasabtay in uu ka boxo kooxda intooda kale kuwaas oo isku diyaarinaya kulanka todobaadka dambe ee horyaalka.

Salaasadii PSG ayaa la kulantay Barcelona si ay u dhaweeyaan wadahaladad laakiin ilaa haatan ma jirto wax laga heshiiyay iyada oo la soo hadal qaaday magacyada Coutinho, Semedo iyo Rakitic.

Kooxda PSG ayaa Neymar ku qasabtay in uu tababar kaligiis ah qaato tan ilaa inta ay kooxdu midkood kala heshiinayso Real Madrid ama Barcelona.

Kooxda PSG ayaa talaabo isla midaas oo kale ku samaysay xiddigii hore ee kooxda khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Adrien Rabiot kaas oo dhankiisa sidoo kale kooxdiisa isku dayay in uu ku qasbo in ay iibiso waliba heshiis cusub diiday in uu u saxiixo.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*