PSG Oo La Timid Qorshe La Yaab Leh Si Ay Heshiis Cusub Uga Saxiixato Kylian Mbappe

Kooxda PSG ayaa wax walba u samaynaysa sidii ay u sii haysan lahayd xiddiga Kylian Mbappe waliba uga saxiixan lahayd heshiis cusub.

Heshiiska Kylian Mbappe ee kooxda PSG ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay ilaa haatan u badantahay in uu isaga tagi doono kooxda.

Laakiin Kooxda PSG ayaan wali ka quusan in ay sii haysato xiddiga reer France waliba ay ka saxiixato heshiis cusub.

PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay xiddiga reer France ku xidho heshiiskiisa shardi lagala yaabay adduunka kubada cagta.

Sida laga soo xigtay El Chiringuito kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay xiddiga Mbappe ka dhigto milkiilaha kooxda iyo mashruucooda ciyaaraha si ay heshiis cusub uga saxiixdaan.

Waxa intaas sii dheer in uu Mbappe go’aan ka gaadhi karo tababaraha cusub ee kooxda iyo waliba saxiixyada ay kooxdu samaynayso hadii uu ogolaado heshiiska cusub.