PSG Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Rennes & Messi Oo Dha-Dhamiyay Guuldaradii Ugu Horaysay Isaga Oo Xiddig PSG Ah.

Kooxda PSG ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Rennes kulan uu Lionel Messi ku bilowday kana tirsanaa todobaadkii 9-aad ee horyaalka france.

Xiddigaha Messi, Mbapppe iyo Neymar hogaaminayay weerarka kooxda ka dhisan caasimada xilli ay doonayeen in ay gaadhaan guul fudud kuna sii wataan qaab ciyaareedkooda fiican.

Laakiin kooxda Rennes ayaa ka yaabsatay saaxiibada Lionel Messi kadib guuldaro lama filaan ah oo ay dhabarka u saareen kagana yaabsadeen adduunka.

PSG ayaa ahayd kooxda fiican bilowgii ciyaarta laakiin kooxda Rennes ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gaetan Laborde kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay PSG ku dambayso ciyaarta inkasta oo ay ahayd kooxda fiican kana awood badan kooxda ay la ciyaarayso ee Rennes.

Qaybtii dambe ayay kooxda Rennes mar kale ka naxsatay kooxda PSG kadib markii ay daqiiqadii 46-aadba ka dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Flavien Tait kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay PSG guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Rennes sidaasna Lionel Messi ku dha-dhamiyay guuldaradii ugu horaysay tan ilaa markii uu yimid PSG.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*