PSG Oo Dagsatay Qorshe Saamayn Weyn Ku Yeelana Liverpool, Messi & Mbappe Ayaana Saba U Ah.

Kooxda PSG ayaa bilowday in ay ka fiirsato dookhyadeeda kadib markii ay adkaatay in ay hesho saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo waliba in ay waayi karto xiddiga Kylian Mbappe marka la gaadho suuqa xagaaga.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay kooxda PSG ka fikirayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda PSG doonayso in ay ka faa’iidaysato dhanak suuqa gaynta maadama uu xiddigu magac ku leeyahay inta badan qaarada Africa iyo waliba dhamaan dalalka carabta.

Kooxda PSG ayaa sidoo kale aaminsan in uu Mohamed Salah badal u noqon karo xiddiga Mbappe hadii uu ka tago kooxda marka lo eego rikoodhkiisa gool dhalin ee uu ku leeyahay kooxda Liverpool.

Sidaas darteed kooxda PS ayaa diyaarinaysa qorshe ay dalab lacageed oo dhan 150 milyan oo euro ah uga gudbiso saxiixa xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*