PSG Oo Bilowday Nadiifin Kooxdeeda Ah Ka Hor Saxiixa Lionel Messi, 10 Xiddig Ayay Iibinaysaa

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay in ay iibiso ku dhawaad 10 xiddig ka hor inta ayna ku dhawaaqin saxiixa xiddiga Lionel Messi.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ayaa macasalaameeyay kooxdiisa Axadii waxana haatan la filayaa in uu ku biiro kooxda PSG waliba qaab xor ah.

Xiddiga reer Argentine ee Messi ayaa la filayaa in uu qalinka ku duugo heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Parc des Princes.

Si kasta ha ahaatee si ay u dhamaystirto saxixia xiddiga iyo mushaharkiisa, Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay PSG iibinayso ku dhawaad 10 xiddig kuwaas oo ay qaar toos u iibinayso qaar kalena amaah ku dirayso.

Wararka ayaa sheegaya in ay xiddigaha Rafinha, Abdou Diallo, Idrissa Gueye & Thilo Kehrer ka mid yihiin xiddigaha ay kooxda PSG doonayso in ay iska iibiso suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*