PSG Isma Dhiibin , Dalab Madax Wareer Ah Ayay U Bandhigeen Messi

PSG ayaa diidan in  ay gacan ka taagto isku dayga ay ku dooneyso in ay kula soo hishiiyaan xiddiga Barcelona ee Messi

Messi ayaa haatan uu dhamaaday hishiiska uu kula jiro Barca   waxa ayan Barca shalay qireen  in dib u dhac uu ku yimid hishiis kordhinta Messi sababo la xariita dhanka dhaqaalaha

Wargeyska AS ayaa haatan sheegaya in PSG ay Messi hor dhigeen dalab aad u weyn kaasi oo keeni kara in uu ogalaado in xagaagaan uu u tago.

PSG waxa ay Messi u bandhigeen hishiis gaaray 5 sano waliba uu ku qaadanayo mushaar ka sareeya midkiisa haatan Barcelona

Messi waxa uu haatan ku mashquulsan yahay  Coppa America  waxa uuna sheegay in go`aanka mustaqbalkiisa uu kala cadaanayo marka uu tartankaas dhamaado

Arintaan ayaa imaaneysa xilli PSG isha ku hayaan sidoo kale saxiixa Ronaldo kaasi oo laga yaabo in isna ka huleelo Juve

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*