Premier League Oo Sharaxay Sababta Ay Uga Go’antahay In Ay Dhamaystiraan Xilli Ciyaareedka 2019/2020.

Maamulka Premier League ayaa maanta si Rasmi ah u xaqiijiyay in ay dib u dhigeen soo laabashada premier League iyaga oo aan shaacin wakhtiga la soo laaban doono laakiin sheegay in la soo laaban doono marka ay saxda tahay in la soo laabto oo la ciyaaro tartanka.

Maamulka Premier League ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii ay u dhamaystiri lahaayeen horyaalka premier League xilli ciyaareedkan wax walba oo ay ku qaadato iyo wakhti walba oo la dhamaystiro.

Maamulka Premier League ayaa sheegay in sababta ay uga go’antahay in ay dhamaystiraan horyaalka tahay in ay doonayaan in ay ilaaliyaan sharafta tartanka Premier League inkasta oo uu Coronavirus sabab u noqday in la joojiyo tartanka.

Tartanka premier League ayaa loo ciyaarayay wax badan sida kaalmaha champions League iyo waliba tartamada looga hadhayo premier League xilli ciyaareedkan.

“Waxa aan filaynay in uu tartanka premier League bilowdo bilowga bisha May, laakiin premier League xilli ciyaareedkan ayaa soo laaban doona marka ay saxda tahay ee la soo laaban karo”ayuu maamulka premier League warbixin ku soo saaray.

Advertisements

“Wakhtiga aan bilaabi doono ee kale waxa aan si joogto ah u falanqayn doonaa saamaynta Coronavirus iyo sida ay xaaladuhu isku badalaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*