Portugal Oo Guul Ka Gaartay Ghana Xilli Ronaldo Gool Rigooro Ah Uu Dhaliyay

Portugal ayaa guul 3/2 waxa ay gaareen Ghana kuwaasi oo qeybta labaad qaladaad waa weyn oo dhanka daafca ah ay ka dhaceen.

Sheekada ciyaarta : qeybta hore waxaa lagu nastay bar bar dhac bilaa goolal ah ka dib ciyaar ay Portugal gacan sareeysay

Biloowgii deg degsiimo ayay ku bilaabeen Ghana iyo Portugal balse waxaa kubadda ku badneyd oo halis ahaa saaxibada Ronaldo

Ghana waxa ay ku jireen daafac ka bad badis ah halka ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah , waxaa jirtay gool uu dhaliyay Ronaldo balse Var ayaa diiday

Weerarka Portugal waxa uu ka soconayay garbaha iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda oo mararka qaar heer dhan %71 ayay gaareysay

Ghana waxa ay ka sheeganayeen in kubadda horay u soo jiidaan waxa ayna u muuqdeen kuwo aan soo galin jawiga ciyaarta

Qeybta labaad : xaraarad ayay yeelatay waa ayna is weerarayeen labada qaran waana la filan karay goolal.

Qaranka Gahana mararka qaar qaladaad  dhanka daafaca ah ayaa ka dhacayay oo ku kleeni karay goolal ilaa Ronaldo qalad ku galeen waxaana loo dhigay rigoore uu daqiiqadii 654dhaliyay Ronaldo

Gahana isma dhiibib , badalada ay sameeyeen waa shaqeeyeen waxa ayan ku keeneen gool uu saxiixay Aywe daqiiqadii 73-aad

Xilli dabaal degga Ghana socday , qalad weyn ayay sameeyeen dafaca iyo goolhayaha wada leeyihiin waxa ay iloobeen ilaada  Joe Flix  daqiiqadii 78-aad , wax badan kaam soo wareegan qalad kale ayay sameeyeen oo baaska ah gool sedexaad ayaa laga dhaliyay daqiiqadii 80-aad Rafael

Ghana , wax waliba waxa ay ku dheeleen dhamaadkii qeybta labaad  xilli gool cajiib ah ay dhaliyaan daqiiqadii 88-aad waxaana saxiixay Bukhari

Si waliba  , waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 3/1

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*