Portugal Oo Garaacday Luxembourg, Netherland Oo Xasuuqday Gibraltar & Natiijooyinka Kale Ee Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

Xulka Portugal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka Luxembourg iyaga oo gaadhay guushoodii 2-aad ee kulamada is reeb-reebka koobka Adduunka xilli uu xulka Netherlands xasuuqay Gibraltar.

Xulka portugal ayaa si aad u hoosaysa ku bilowday ciyaarta xilli xulka Luxembourg qaadayay weeraro rogaal celis ah xilli ay si fiican u difaacanayeen dhanka goolkooda.

Daqiiqadii 30-aad ayuu xulka Luxembourg dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gerson Rodrigues kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa kaan dhigay ciyaara 1/0.

Xulka Portugal ayaa bilaabay sidii uu u dhalin lahaa goolka bar-baraha xilli uu xulka Luxembourg difaac galay si uu goolka u ilaashado.

Daqiiqadii 45+2-aad ayuu xulka Portugal dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 uu xulka Portugal ku soo laabtay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaata qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada xul bar-baro ku yihiin laakiin xulka Portugal ku fiicnaa dhanka qaab ciyaareedka.

Qaybtii dambe ayuu xulka Portugal si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta waxana ay raadinayeen sidii ay u dhalin lahaayeen gool ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 50-aad ayuu xulka Portugal dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 uu xulkiisu ku hogaaminayo.

Xulka Portugal ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayaan goolal kale waxana ay daqiqiadi 80-aad dhaliyeen goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Joao Palhinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 uu xulkiisu ku hogaaminayo ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo uu xulka Portugal guushii 2-aad ka gaadhay kulamada is reeb-reebka koobka adduunka qaarada yurub.

Dhanka kale xulalka Netherland iyo Belguim ayaa xasuuq aan loo kala hadhin kula kacay xulalka Gibraltar Iyo Belarus kulamo ka tirsanaa is reeb-reebka.

Xulka qaranka Netherland ayaa guul 5/0 ah ka gaadhay Gibraltar kulankii 3-aad ee ay ciyaareen iyada oo ay goolasha u kala dhaliyeen 5 xiddig oo kaal duwan oo kala ah Steven Berghuis, Luuk de Jong, Mephis Depay, Georginio Wijnaldum, Donyell Malen iyo Donny Van de Beek.

Dhanka kale Xulka Belguim ayaa xulka Belarus kaga badiyay 8/0 iyada oo ay goolasha u dhaliyeen xiddiaha Michy Batshuayi, Hans Vanaken, Leandro Trossard (2), Jeremy Doku, Dennis Praet iyo Christian Benteke.

Natiijoonka kale ee kulamada la ciyaaray is reeb-reebka ee caawa:

Azerbaijan 1-2 Serbia
Cyprus 1-0 Slovenia
Croatia 2-0 Malta
Wales 1-0 Czech Republic
Montenegro 0-1 Norway
Slovakia 2-1 Russia
Turkey 3-3 Latvia

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*