
Waxa lagu guda jiraa suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo kooxuhu dadaal ugu jiraan xoojinta kooxda.
Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa wararkki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaagan.
Goolhayaha England Nick Pope, oo 33 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu bartilmaameed u yahay Manchester United haddii Newcastle United ay dhameystirto heshiiska 27 jirka Southampton iyo England Aaron Ramsdale (Talksport).
Newcastle ayaa heshiis la gaartay Southampton si ay amaah ugula soo wareegto Ramsdale iyada oo fursad u haysata in ay heshiiska ka dhigto mid joogto ah dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Athletic).
Manchester United ayaa sidoo kale xiiso u qabta goolhayaha kooxda Paris St-Germain ee Italy Gianluigi Donnarumma, laakiin waxay ka caga jiidayaan inay ku lug yeeshaan dagaal ay kula jiraan Chelsea iyo Manchester City oo ay ku doonayaan adeega 26 jirkaan (Sun).
Arsenal ayaa weli xiiseyneysa xiddiga garabka uga ciyaara England Eberechi Eze, oo 27 jir ah, laakiin ma doonayaan inay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaska oo ka badan 60 milyan ginni, waxaana kaliya ay dalban doonaan haddii Crystal Palace ay hoos u dhigto qiimaha ay ku dooneyso (Athletic).
Borussia Dortmund ayaa isha ku haysa xaalada xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal ee Leandro Trossard, oo 30 jir ah, laakiin weeraryahanka Belgium waxa doonaya kooxo kale premier league ah (Sky Germany).
Fenerbahce ayaa xiiso u qabta 27 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Federico Chiesa laakiin waxa uu mudnaanta siinayaa ku soo laabashada Serie A-da (Calciomercato).
Manchester United ayaa dooneysa inay aqbasho qiimo dhimis dhan 17 milyan oo euro oo ay ku dooneyso Jadon Sancho, oo 25 jir ah, iyadoo Borussia Dortmund iyo Juventus ay xiiseynayaan garabka England (Mail).
United ayaa soo afjartay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka Chelsea Nicolas Jackson, oo 24 jir ah, iyadoo weeraryahanka Senegal uu dalbaday mushaar aad u badan (Mail).
Kooxda Man United ayaa bartilmaameedka ugu horeeya ka dhigtay xiddiga Aston Villa ee Ollie Watkins halka ay bartilmaameedka 2-aad ka dhigtay Sesko (Sun).
United ayaa dooneysa inay iska iibiso Garnacho, waxayna kala hadashay Aston Villa iyo Chelsea suurtagalnimada inay heshiis la gaaraan (Independent).
Liverpool ayaa heshiis la gaartay 17-sano jirka weerarka ka ciyaara ee Will Wright kaasoo ka tirsan kooxda Salford City. (Athletic).
Be the first to comment