Pogba Oo Ka Shifay Mustaqbalkiisa Man United , Ma Baxayaa Mise , Qoraal Sarbeeb Ah Ayuu Soo Dhigay Twititer-ka

Ka dib markii United ay xaqiijisteen in ay u soo baxeen ka qeyb galka Champion-ka ee xilli ciyaareedka dambe , waxa uu Pogba u gacan haatiyay sida uu noqonayo mustabqalkiisa

Pogba ayaa in muddo ah lala xariirinayaa in uu baxayo waxaana kooxaha doonaya ka mid ah Juventus iyo Real Madrid

Balse ka dib kulankii xalay ee Leicester City ee ay uga badiyeen labada gool kana caawiyay in ay ku dhameystaan booska sedexaad , waxa uu Pogba u gacan haatiyay in uu sii joogayo qalcadda Old Trafford

Pogba ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ” ina keena aan aadnee Champiopn-ka”

Waxa ay tani marqaati ka noqoneysaa in Pogba uu sii joogayo xilli ciyaareedka dambe ayna hawada ka baxday in xagaagaan uu baxayo .

Sidaas oo ay tahay weli laacibka si toos ah uma sheegin in uu joogayo iyo in kale xilli United dhanka kale ay wadaan qalqaalo ah in laacibka uu qalinka ku duugo hishiis cusub

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*