Pogba Oo Go`aansaday In Uu Sii Joogo United Waliba Saxiixo Hishiis Cusub , Ilaa Intee Gaarayaa ?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya Pogba uu damacsan yahay in hishiis cusub u saxiixo United

Juventus iyo Real ayaa lala xariiriyay in uu aadayo laacibkaas balse wargeyska Mirror ayaa sheegaya in Pogba uu ku qancsan yahay xaaladda kooxda oo soo wanaagsanaaneysa sidaa darteedna u go`aansaday in baaqi sii ahaado

Hishiiska Pogba ee haatan waxa uu gaarayaa illaa iyo xagaaga 2021 waliba waxaa ku jira qodob xusaya in sanad dheeraad ah sii raacsiin karo

Tan iyo markuu Bruno Fernandez uu yimid United waxaa soo wanaagsanaaday heer ciyaareedka kooxda waliba dhan-dha gaar ah ayuu yeeshay qadka dhexe kooxdaas marka Pogba iyo Fernandes kuwada jiraan

Ilo wareedyada waxa ay tilmaamayaan in Pogba damacsan yahay in qalinka uu ku duugo qanadaraas dheeraad ah oo gaaraya hal sano

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*