Pogba, Haaland, Martinez, Rudiger, Calhanoglu, Bakayoko & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa Kala Iibsiga ayaan furnayn laakiin arintaas ayaan kooxaha kala duwan ee adduunka ka hor istaagin in lala xidhiidhiyo xiddigo kala duwan.

Suuqa ayaa furmi doona bilowga sanadka cusub ee 2021 gaar ahaan bisha January waxana ay kooxaha kala duwan ee adduunku haatanba bilaabeen dadaalada ay ku doonayaan in ay saxiixyo cusub ku helaan marka uu suuqa kala iibsigu furmo.

Dhanka kale waxa jira xiddigo marka uu suuqu furmo doonaya in ay isaga tagaan kooxohooda haatan si ay u badbaadiyaan xirfadoosa ama ay ugu biiraan koox ay koobab kula guulaystaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba kooxda.com ayaa halkan idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee xanta suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wararkan ka soo qaadatay wargaysyada ku hor qoran wararka suuqa kala iibsiga.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ayaa sheegay in uu marayao wakhtigii ugu adkaa ee xirfadiisa sabab la xidhiidha ciyaaris la’aanta Man United (RTL).

Kooxda Man City ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa saxiixa xiddigaha Erling Braut Haaland ama Lautaro Martinez si ay ugu buuxiyaan booska Sergio Aguero (90min)

Kooxda Man City ayaa diyaarinaysa in ay dalab 100 milyan ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Aston Villa ee Jack Grealish (Star).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Kevin de Bruyne ayaa sheegay in uuna wax wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirin kooxda Man City (Guardian).

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaatay in ay xiddiga Tiemoue Bakayoko si toos ah uga iibiso Napoli dhamaadka xilli ciyaareedkan (Gazetta Dello Sport).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Hakan Calhanoglu ayaa ku biiri doona kooxda Atletico Madrid kadib markii ay bur-bureen wadahaladii ay Man United ku doonaysay saxiixa xiddiga (Mundo Deportivo).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa January (Sport).

Agaasimaha kooxda Liverpool ee Michael Adwards ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday u dhaqaaqista saxiixa daafaca Kalidou Koulibaly sababa la xidhiidha lacagta lagu iibinayo (Star).

Tababarihii hore ee kooxda RB Leipzig ee Ralf Rangnick ayaa aaminsan in Dayot Upamecano oo bartilmaameed u ah Liverpool uu guulo ku gaadhikaro Bayern Munich (Goa).

Kooxda Juventus ayaa wadahadalo la furtay kooxda Wolves iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Pedro Neto (Tuttosport).

Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ugu dhaqaaqaysa saxiixa daafaca kooxda Arsenal ee Shkodran Mustafi marka la gaadho suuqa January (Mundo Deportivo).

Kooxda Juventus aya doonaysa in ay dar-dar galiso dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba si ay ugu garaacdo kooxda Liverpool (Sun).

Sii Akhriso: Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dagaalka Itoobiya Fariina U Diray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Ee Aby Ahmed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*