Pirlo ” Hal Arin Ayaa U Sabab Aheyd Guul-daradii Juve Ee Inter Milan”

Tababaraha kooxda Juventus ee Pirlo ayaa hoosta ka xariiqay in kooxdiisa ay xalay cabsi weyn ay u muujiyeen Inter Milan .

Inter ayaa Juve ku garaacaday laba gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaas ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga

Sky Sport ayuu Pirlo ka yiri ” , qaladaad ayaan sameynay , waan baqeynay , waxaan ka baqeynay in aan ku dhiiranno in aan weerar sameynayo , kaliya waxaan diiradda saarnay daafac xittaa halkaasna kuma aynu wacneyn”.

” Waxaan Inter u ogalaanay in maamulka kubadda u fududeyno markaas ayay ina bur buriyeen”

Waxa uu Pirlo intaas sii raaciyay” Guul darro xun ayay aheyd , balse haatan waa in aan madaxa dhulka ka qaadnaa una diyaar garoownaa kulanka Napoli”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*