Pierre-Emerick Aubameyang Waxa Uu Noqonayaa Mesut Ozi Oo Kale.

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sheegay in ay Arsena gashay khalad Pierre-Emerick Aubameyang ah oo la mid ah midkii ay galeen markii ay heshiiska cusub ku abaalmariyeen Mesut Ozil.

Mustaqblka Pierre-Emerick Aubameyang ayuu shaki ku jiray xagaagii hore laakiin waxa uu ugu dambayn kooxda u saxiixay heshiis 3 sano ah oo uu mushahar badan ku qaadanayo.

Laakiin weeraryahanka ayaa ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 9 gool u dhaliyay kooxda premeir League xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedkiisa xun ayaa lala bar-bar dhigay hoos u dhicii ku yimid Ozil markii uu kooxda u saxiixay heshiis 3 sano ah bishii January ee sanadkii 2018.

Merson ayaana aaminsan in ay labada xaalad ee labda xiddig isku mid yihiin xilli uu ka hadlayay dhibaatada xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisii hore.

“Waxa ay heshiis cusub ka saxiixdeen Pierre-Emerick Aubameyang, lacag badan, heshiis weyn laakiin waa 31 jir sidaas darteed waxa aan ku soo laabanay xaaladii Mesut Ozil mar kale”.

“Wax ayaa ka khadlan Pierre-Emerick Aubameyang inkasta oo aanan ogayn waxa ay tahay”.

“Arsenal waxa ay u baahantay tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe hadii kale kooxdu dib ayay u noqonaysaa”.

“Inkasta oo uu xiddiga ugu mushaharka badan yahay hadana waxa uu kaydka fadhiyay kulankii Europa League”.

“Arintaasna waxa ay kuu sheegaysaa in ay la mid tahay xaaladii Ozil oo kale”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*